Nagu Saabsan

Fikradda: XISBIGA DIMOQRAADIGA ee QARANKA
-Waa Wada Shaqayn Kalsooniya
XISBIGA DIMOQRAADIGA ee QARANKA waa qayb ka mid ah habka Xisbiyada Siyaasada DIMOQRAADIGA ee caalamka oo dhaqdhaqaaqayagu ku dadaalayo in dalka Qof kastaa ku noolaado nolol wanaagsan innaga iyo jiilalka innagu xiga ama innaga danbeeya ee ah mustaqbalka dalka oon tayada nolosha aan kor u qaadayno (NIDAAM Wanaagsan); waxaananu ku midaysan nahay Daryeelista Dadka iyo horumarinta Dalka.
XISBIGA DIMOQRAADIGA EE QARANKA oo wadanka dibadiisa lagu soo aasaasay kana hawlgala dalkoo dhan. Qodobada barnaamij siyaasadeedkayaga waxa ka mid ah in fursad la siiyo dadka raba inay qayb wayn ka qaataan siyaasada dalka soona shaac baxaan iyo in qof kasta oo qaan gaadh ahi mar noloshooda u shaqeeyaan dawlada ama dadwaynaha iyo horumarinta siyaasada dalka.
Waanan soo dhaweyneynaa qof kasta oo raba inuu qayb/Xubin ka noqdo XISBIGA DIMOQRAADIGA ee QARANKA.
QARANIMADU WAA QAALI AAD U QIIMO BADAN.






Nidaam Wanaagsan
XISBIGA DIMOQRAADIGA ee QARANKA
Xubinnimada Xisbiga ayaa macnaheedu noqon karaa waxyaalo kala duwan.
Qaar ka mid ah, waa si adag oo ah ballanqaad dhaqaale oo ah qaab xubin. Kuwa kale, waa miisaaniyad lacag ah iyo ka qaybqaadasho firfircoon.
Sida firfircoon ee aad rabto in aad noqotid ka mid ahaanta Xisbiga, waxaa lagaa soo wargelin doonaa dhammaan waxqabadyada iyo ka qaybqaadashada si isku mid ah.


ARAGTIDAYADA
Aragtidayadu waa NIDAAM wanaagsan
oo ah Dimoqraadiyad ku salaysan Xornimo, Sinaan, Cadaalad, Nabad iyo Xasillooni waana ballanqaad aad ugu danaynaya dhammaan Muwaadaniinta oon sii wadi doono horumarinta dalka iyo Daryeelista dadka oo dhamaanteen aan ku noolaano nolol tayo leh oo wacan .
QARANIMADU WAA QAALI AAD U QIIMO BADAN.